skip to Main Content

Guddiga Doorashada oo ku hanjabay tallaabo adag haddii la qaban waayo doorashada Garbahaarey

By Abdinajib Abdullahi

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si dar dar ah mamaul goballeedyada qaar uga socotay doorashada Golaha shacabka ee baarlamanaka cusub ee federaalka Soomaaliya iyadoo horrey loogu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo 25-kaan bishaan Febaraayo, waxaana ilaa iyo hadda la doortay boqolkiiba 55%.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Haddaba arrinta sida laga yeelayo waxa ay BBC-du wax ka wayadiisay Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina waxa uuna sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka baarlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay.”

Guuddiga Doorashada haddii aanu nahay Kooramka haddii uu inoo buuxsamo xildhibaannadaasna aanu xal laga gaarin caqabad dalka ku sii ahaan maayaan khilaafyadaasi oo horay ayaa looga sii soconayaa, doorashada Guddoonka iyo kan madaxweynahana waa la dooranayaa.

Safiina ayaa tibaaxay in haddii madaxda isku haysa xildhibaanadaas oo ay doorashadooda xallin laga gudbayo.

Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah iyadoo kuraas badan ka doortay oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba konton iyo shan.

Shalay waxaa la soo dhamays tiray doorashada 26-kii kursi ee deegaan doorashoodii ayhad magaalada Baraawe ee Koofur Glabeed Soomaaliya waxaana uu maamulkani noqnayaa maamulkii ugu horreyay ee soo idleeya doorashada deeegaan doorashadooda labaad inkastoo ay jireen cabashooyin ka soo baxayay musharxiin kuraastoodu tiilay Baraawe oo qaarkood sheegayba in laga hor istaagay in ay halkaas tagaan.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media
Back To Top