skip to Main Content

Nin ku eedeysan dilka gabar Soomaali ah oo maxkamad lasoo taagay

By Abdinajib Abdullahi

Nin u dhashay Dalka Ciraaq kuna eedeysan in uu dilay Dahabo Cumar oo Soomaali ah ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022 sida ay sheegtay Maxkamad lasoo taagay sida uu xaqiijiyay mid kamid ah ehelka Gabadha la dilay.

Amaal Maxamed Siciid (Hoggaamo) sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in xubin kamid ah ehelka Marxuumadda uu ka qaybgalay fadhiga Maxkamadda ee go’aankaas lagu gaaray.

“Maxkamadda ayaa soo gabagabeysay dhageysiga eedeysanaha xukunkiisa oo loo gudbinayo Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022, Dhageysiga Dacwadda waxaa Soomaaliya ku metalay Mid kamid ah Ehelka Dahabo Cumar” ayay tiri Amaal Maxamed.

Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo horay u sheegtay in aan Dahabo la aasi doonin ilaa maxkamad laga soo taago Gacan ku dhiiglaha dilay oo ugu dambeyn maanta lagu aasayaa Qabuuro ku yaalla Kuala Lambur.

Booliiska Malaysia ayaa gacanta ku dhigay Ninka loo heysto dilka Dahabo Cumar oo u dhashay Dalka Ciraaq oo haatan ah Xukun suge kiiskiisa loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Dalkaas oo go’aan ka gaari doonta.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xiriirinaya Nin Iraqi ah oo dhowr jeer xiriir Jaceyl usoo bandhigtay.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA ayaa sheegay in gabadha la dilay ay inbadan ka cago-jiiday inay xiriir la sameyso ninkaas.

Allaha u naxariistee Dahabo ayaa la sheegay inay ku jirtay da’da labatameedyada, waxayna kamid aheyd dadka fara-ku-tiriska ah ee ka shaqeeya maqaaxiyaha, ugu dambeyntiina sababtay gacanta ninka ay xiriirka ka diiday.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top