skip to Main Content

Guddoomiye Mursal oo ka horyimid habka loo dhaariyey Wasiirka Amniga

by Abdinajib Abdullahi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay inaysan sharciga waafaqsaneyn habkii maanta loo dhaariyey wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi maxamed Nuur.
Mursal ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay aheyd ansixinta wasiirka cusub laga codsaday Golaha Shacabka, ama Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka.
“Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka,” ayuu yiri Mursal.
“Hadda sida ay u muuqato, xubin ka mid ah Golaha Fulinta ayaa magacawday, ansaxisay isla markaana dhaarisey isla xubin iyaga ka mid ah, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta Xilalka iyo Awoodaha Hay’adaha Dawlada ee Laanta Sharci Dajinta, Laanta Fulinta iyo Laanta Garsoorka iyo qodobada Dastuuriga ah ee aan kor ku soo xusnay.”

Mursal ayaa sidoo kale sheegay in dalku aani ka jirin firaaq baarlaman, inkasta oo uu dhammaaday muddo xileedka baarlamanka hadda jira, isaga oo ku dooday in inta baarlama cusub laga dhaarinayo uu sii shaqeyn doono midkan.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top