Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Gudiga Joogtada ah BFS oo ka shiray buuxinta kuraasta ka banaan Golaha shacabka
By isxaaq Rashid Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka.
Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.
Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.
This Post Has 0 Comments