By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Gudiga Qaban Qaabada Todobaadka Xoriyada oo Muqdisho kulan ku yeeshay
Abdinajib Abdullahi
Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya kulan ku yeeshay Xubnaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26 June iyo 1-da Luulyo ay wehlinayaan Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa looga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska Maalmaah Xorriyada.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda inta ay socdaan munaasabadaha maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaay ku guda jiraan qaban qaabadii ugu dambeeyeysay ee munaasabada xuska Maalmaha Xorriyada oo maalmo koban inaga xigaan.
Soomaaliya ayaa Sanadkaan 2021-ka waxay u dabaal dagaysaa Sanad guuradii 61-aad ee ka soo Wareegtay Markii ay Xoriyadeedka ka qaadatay Gumaysteyaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo sidoo kale Xiligii Midowga Gobolada Waqooyiga iyo koonfurta.