skip to Main Content

Gudomiyaha Gobolka Afdheer Oo Booqday Degmada Degmada Doolo-Bay

By Ayanle (Boundless Media)

Maamulka gobolka Afdheer iyo ka degmada Doollo-baay ayaa soo kormeeray dugsiga sare iyo xarunta caafimaadka degmadaasi Doollo-baay.

Kormeerkan oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre iyo Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Afdheer Mudane Aaden Geedi ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgalidda adeegbixinta xarumaha caafimaadka shacabku ay ka helaan iyo soo xaqiijinta nidaamka baris-barasho ee dugsigaasi sare iyo waliba diyaargarowga ardayda imtixaanka heerka qaran ee fasalka 12aad.

Ugu dambayntii guddoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre ayaa macalimiinta dugsiga sare iyo ardaydaba kula dardaarmay inay dadaalkooda kor usii qaadaan, si ay natiijo wax-ku-ool ah uga keenaan ardaydu imtixaanka heer qaran ee la filayo in dhawaan lagu qaadi doono jaamacadaha dalka!

Xuquuqda wey dhawrantahay

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top