skip to Main Content

Halkee ku dambeeyay kiiska madaxii Al-Shabaab ee Mudug ee isku soo dhiibay DF?

By Abdinajib Abdullahi 

Muqdisho (Boundless media)_Dabayaqada bishii dhamaatay ee August waxaa ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan aagga Wisil ee gobolka Mudug isku soo dhiibay Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqaano Nuur-deeq, oo ahaa madaxii argagixisada ee gobolka Mudug.

Ninkan ayaa muhiim u ahaa kooxda marka la eego awoodooda gobolka Mudug, waxaana isku soo dhiibistiisa loo arkay mid kamid ah astaamaha muujinaya in kooxda sii jabeyso.

Markii uu isa soo dhiibay dood badan ayaa ka dhalatay sida loola macaamili doono iyo waxa uu mudan doono, waxaana dib loo soo saaray dhacdooyin dilal iyo weeraro ah oo ka dhacay gobolka Mudug oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa.

Dadweynaha ayaa si adag oo diidmo ah uga fal-celiyay qoraal garab istaag u muuqday oo la sheegay inuu ka yimid mid kamid ah xildhibaannada ninkaan ku metela golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba waxay dadka badi isweydiinayaan halkee ku dambeeyay horjoogahan ka tirsanaan jiray kooxaha argagixisada ee isku dhiibay dowladda Soomaaliya.

Midda koowaad sida uu ahaan jiray dhaqanka soo jireenka ah ee la waafajin jiray argagixisada isa soo dhiibta ninkaan waxaa lagu wareejiyay hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida ee NISA. Halkan waa meesha lagu hubiyo inuu isa soo dhiibaha toos uga soo dhamaaday kooxda ama inuu maagan yahay dabino qarsoon.

NISA ayaa hadda ka gudaneysa waajibkeeda oo gacanta ku haysa ninkan. Xogaha qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Nuur-deeq uu bixiyay xogo caawimaad u noqon kara dagaalka iyo in argagixisada si fudud loo soo dhaafiyo deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle.

Ninkaan waxa uu isa soo dhiibay iyada oo uu jiro go’aan madaxweyne oo ah in la cafinaayo kuwa ka towbad keena fikirka qariban ee argagixisada ee sababay dhimashada kumanaan ruux oo Soomaali ah.

Inkasta oo ay jiraan dad eed taban siiyay siyaasiyiinta metela horjoogahan, haddana waxaa soo baxeysa in siyaasiyiintaas ay marnaba isku dayin inay sharciga baalmaraan oo qof argagixiso ah dhabarka marsadaan.

Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale la sheegay in kaalin ka qaateen in ninkaan uu kasoo tago argagixisada, waana midda keentay in halkii uu iska soo dhiibay ay siyaasiyiinta qaar ugu tagaan oo ay kasoo wadaan.

Ma cusba in horjoogayaal waaweyn oo argagixiso ah ay isa-soo dhiibaan laakiin waxaa marwalba aad loo duraa daacadnimadooda dambe iyo waxyaabaha ay kuwii hore kusoo biiriyeen dowladnimada Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Ninkaan ka tirsanaan jiray kooxaha argagixisada ee la yiraahdo Nuur-deeq xaalkiisa iyo u qalmidiisa in markale bulshada lagu dhex daayo waxaa go’aan ka gaari doonta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa waxay dhowr jeer ku cel-celiyeen in kuwa isa-soo dhiiba inta kagu jiro dagaalka in loo sameyn doono habkii ay bulshada caadiga ah ugu soo dhex noqon lahaayeen loona badbaadin lahaa noloshooda iyo mustaqbalkooda.

Taas oo la sheegay inay gudaha argagaxisada ka noqotay farriin togan oo ay argagixiso badan ka fikirayaan inay ka faa’iideystana, maadaama shacabkii Soomaaliyeed ay soo jeesteen oo adag tahay in fikirka argagixisada kasii shaqeeyo Soomaaliya.

xaquuqda weydhowrantahay: Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top