skip to Main Content

Hay’adda WPF iyo Ururka Horumarinta Soomaalida oo daahfuray mashruuc

muqdisho (Boundless media)_Hay’adda WPF iyo Ururka Horumarinta Soomaalida ayaa daahfuray mashruuca yaraynta saamaynta nafaqo-darrada.

Mashruucan oo ah mid wax lagaga qabanayo yaraynta saamaynta nafaqo-darrada ayna maalgalisay hay’adda WFP ayaa waxaa fulinaya Ururka Horumarinta Soomaalida, waxaana si tijaabo ah loogu billaabi doonaa degmooyinka Godey, Qabridahar, Dhagaxbuur, Xarshin, Mula iyo Erar, mashruucan ayaa ah mid xoogga lagu saarayo sidii ay bulshadu uheli lahaayeen cunto dheelli tiran iyo khudaar.

Waxaana daahfurka mashruucan kasoo qaybgalay xafiisyada iyo hay’adaha habwadaagta la ah Ururka Horumarinta Soomaalida, guddoomiyayasha gobollada uu mashruucu ka hawlgali doono iyo marti-sharaf kale.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Madaxwaynaha Deegaanka Mudane C/risaaq Sayid oo ugu horrayn daahfurka mashruucan ka hadlay ayaa sheegay in mashrucan yahay mid bulshada faa’iido ballaadhan uleh!

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top