skip to Main Content

Hub sharci darro ah oo lagu wareejiyay laamaha ammaanka ee Turkana

By abdinajib abdullahi

Turkana(Boundless media)_Iyadoo uu weli socdo howlgalka ka dhanka ah burcadda ee Waqooyiga gobolka Rift Valley ayaa saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Turkana waxaa lagu wareejiyay 20 qoryo oo sharci darro ah.
Adeegga qaran ee booliiska NPS ayaa sheegay in qoryahan loo gacan geliyay saraakiisha maamulka ee dowladda sare xilli kulan dadweyne lagu qabtay xarunta ganacsiga ee Kakong.
Waxaa shirkaasi hoggaaminayay barasaabka ismaamulka Turkana Jeremiah Lomorukai oo uu weheliyo guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Turkana Jacob Ouma.
NPS ayaa bayaan ku sheegtay in shirka ay sidoo kale ka qayb galeen xubnaha guddiga sirdoonka ee Turkana iyo deegaannada hoos tago , wakiilka haweenka ee ismaamulkaasi Cecilia Asinyen Ngetit, wakiillada deegaannada hoose iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowlad deegaankaasi.
Turkana ayaa ka mid ah ismaamullada Waqooyi ee ay saameynta ba’an ka soo gaartay falalka burcadnimo iyo dhaca xoolaha.
Dhanka kale qori ah nooca AK-47 oo aynan rasaas ku jirin ayaa laga helay bariga deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo halka gacanta lagu dhigay labo eedeysanayaal oo lala xiriirinaya hubkan sharci darrada ah.
Laamaha ammaanka ayaa xusay in tuhmanayaasha ay ka mid yihiin koox la raadinayay ka dib fal dhac ah oo awood loo adeegsaday oo 12-kii bishii hore ka dhacay aagga Kiserian ee deegaanka Marigat oo ka tirsan Baringo.
Toban cishe ka hor ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki uu bogaadiyay howlgalka 6-da ismaamul ee Waqooyiga Rift Valley looga cirib tiraya burcadnimada iyo kooxaha hubeysan.

xaquuqda weydhowrantahay Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top