Skip to content

In ka badan 10 Ruux oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud

By isxaaq Rashiid Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay degaanka Bali-seenyoone oo u dhaxeeya degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado, waxana dagaalka ku geeriyooday 10 ruux halka 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka dagaalamay ay isku heystaan dhul bannaan oo kuyaalla degaanka Bali-seenyoone ee gobolka Galgaduud, isla markaana dadka badan ay isaga dileen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bali-seenyoone ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in weli xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed ay weli halkaasi ka taagan tahay maadaam ay is-horfadhiyaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top