skip to Main Content

In ka badan 40 milyan oo qof oo halis ugu jiro macluul waddamada Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya

By Abdinajib Abdullahi

Hay’adda caalamiga ee Refugees International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 40 milyan oo qof oo ku nool waddamada Itoobiya , Kenya iyo Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin macluul.
Tani ayaa loo aaneeyay saameynta abaarta daba dheeraatay.
Waxay hay’addu sheegtay in dadkan ay wajahayaan dhibaatooyin dhanka cuntada iyo nafaqada oo aan horay loo arag.
Waxaa xaaladda mid cakiran ka sii dhigay arrimo ay ka mid yihiin isbeddelka cimillada , dagaallada hubka la isku adeegsado ee maxalliga iyo duullaanka militari ee ka jiro Ukraine , culeysyada dhaqaale ee caalamka iyo saameynta cudurka COVID-19 oo aan weli laga gudbin.
Hay’adda ayaa warbixinteeda ku saadaalisay in carruur ay tiradoodu tahay 7.46 milyan oo ay da’doodu ka hooseyso shan sano ay wajihi doonaan nafaqo darro baahsan , 1.85 milyan oo carruur ah ayaa hadda wajahaya xaaladdan.
Refugees International ayaa intaasi ku dartay in kumannaan qof gaar ahaan carruur ay bilooyinka nagu soo aaddan ku geeriyoon karaan gudaha waddamada Soomaaliya , Kenya iyo Itoobiya.
Waxay hay’addu sheegtay inuunan jirin rabitaan siyaasadeed oo dhaqaale loogu deeqaya qorshayaasha baniaaddanimo ee geeska Afrika.
Warbixinta hay’adda waxaa ku cad in taageeridda dadaallada falcelinta ee Soomaaliya ay hadda tahay boqolkiiba 72 , Kenya waa 55 halka Itoobiya ay tahay boqolkiiba 52.

 

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top