skip to Main Content

Qaar ka mid ah dhallinyaradii lagu tababaray dalka Ereteria oo la keenay Muqdisho

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidday Cutubyadii ugu horreeyey oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu Tababaray dalka Eritrea.
Ciidamadan ayaa muddo sanado ah ku maqnaa dalka Ereteria oo ay gaysay dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dhowr jeer siyaasiyiintii xilligaasi mucaaradka ahaa ay sheegeen in laga dagaal geliyay Itoobiya oo badankood ay dhinteen, balse hadalkaasi uu beenoobay.
Ciidamada Maanta laga keenay dalka Ereteria ayaa waxaa ay qayb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka Soomaaliya, iyada oo la geyn doona furrimaha dagaalka ee Gobollada dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa fagaaro ka sheegay in Dhallinyaradii tababarka Ciidan loogu qaaday Ereteria la iibsaday, balse markii uu Madaxweyne loo doortay ka dib uu laba jeer u tegay, isaga oo sheegay inay badqabaan dhawaanna dalka dib loogu soo celin doono.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top