skip to Main Content

Ingiriiska oo xayiraado cusub saaray Ruushka

By Abdinajib Abdullahi

Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dowladda Ruushka .
Xayiraaddan ayaa saameynaysa 65 qof oo dheeraad ah kuwaasoo u dhashay Ruushka iyo shirkado wadankaasi laga leeyahay sida bangiyo, shirkadaha gaashaandhigga iyo madax ganacsi oo leh saameyn siyaasadeed.
Tallaabooyinkan ayaa looga gol-leeyahay in lagu cirib tiro waaxyaha sii hurinaya colaadda uu maamulka Putin ku qaaday Ukraine oo ay hadda ka soo wareegtay hal bil ah.
Shakhsiyaadka cunaqabateynta la saaray waxaa ka mid ah maalqabeen lagu magacaabo Eugene Shvidler oo xiriir ganacsi oo dhow la leh mulkiilaha kooxda kubadda cagta ee Chelsea Roman Abramovich iyo Polina Kovaleva oo ah gabadh ay dhashay xaaska wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.
Xafiiska Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibadda , waddamada barwaaqa sooranka ee Commonwealth iyo dhanka horumarka ayaa arrimahan shaaca ka qaaday.
Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee xafiiskan ayaa muujinaya in duullaanka militari ee Ruushka uu gudaha Ukraine ka barakiciyay in ka badan 10 milyan oo qof.
UK ayaa Ukraine u ballanqaaday gargaar baniaadannimo oo dhan 220 milyan oo Pound.
Ilaa iyo hadda UK waxay Ukraine gaarsiisay in ka badan 3.7 milyan oo ah agab caafimaad.
Sidoo kale ilaa 5-tii galabnimo ee shalay waxaa dal ku galka Ingiriiska la siiyay 18,600 oo ka mid ah qoysaska Ukraine.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top