skip to Main Content

Warar dheerad ah oo kasoo baxaya Mas’uul Dowladeed oo xalay lagu dilay Muqdisho.

By isxaaq Rashiid Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mas’uul hore uga tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed loogu gaystay degmada Shibis, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo haddana goobta isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, wuxuuna ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ragga dilka gaystay oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah kiu dileen marxuumka, kadibna ay carareen, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay qaybo kamid ah degmada Shibis oo ah halka uu dilka ka dhacay.

Kooxda AS ayaa sheegatay mas’uuliyaddda dilka loo gaystay mas’uulkan, sida ay ku baahisay baraheeda bulshada.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi iyo sheegashada AS.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay weeraro kala duwan oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay soo maleegayaan kooxda AS.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top