skip to Main Content

Isaiah Harris wuxuu ku dhammeestay tartankii oradka kaalinta afaraad.

Isaiah ayaa halkaasna hal kaalin ku waayay inuu u tartamo olanbikada sanadkan soo socda ee 2022.
Isaiah Harris oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Lewiston ee gobalka Maine ayaa kaalinta afaraad ka galay finalka ragga ee 800-mitir tartankii Olimbikada Mareykanka, sidaasna si ciriiri ah ayuu ku seegay booska kooxda Mareykanka.

Waqtiga Harris wuxuu1 daqiiqo, 44.58 ilbiriqsi taas oo aha xilli ciyaareedkiisa kii ugu fiicnaa ugana dheereeyay waqtiga Heerka Olombikada, sidaa darteed wuxuu uqalmaa inuu noqdo beddelka koowaad hadii sadexdaas uu mid kood dhaawac soo gaadho.

Harris wuxuu isku dayay inuu dhaafo Hoppel oo ku jiray kaalinta sadexaad markii ugu dambeysay, laakiin laadkiisii ugu dambeeyay wuu soo yaraaday dhamaadka tartanka. Dadban ayaa sheegay inay tani guul u tahay dad magaalada Lewiston iyo isagaba inkasto uusan helin wuxuu rajaynayay.

Back To Top