skip to Main Content

Duqa magaalada Lewiston ayaa shaaciyay inuusan ordadayn marlabaad doorashadaan soo socoto.

Duqa magaalada Mark Cayer ayaa sheegay maalintii talaadadii halkaasna u sheegay in magaaladu haysandoonto duq cusub.

Cayer wuxuu sheegay inuu go’aanka qaatay ka dib sanad iyo badh kadib uu ahaa duqa magaalada, halkaasna xilal kala duwan ka soo qabtay xafiisyada dawladda. Wuxuu sheegay in saameysay jagadaan, gaar ahaan xilligii masiibada, ay saameyn ku yeelatay ganacsigiisa uuna dareemayo inay tahay xilifiican inuu ka tago siyaasada kadib markii sannado badan uu ka soo shaqeynayay shaqooyinka dawlada.

Cayer ayaa sheegay inuu Go’aankan ahaa taas oo la mid ah marku u’ordayay xilka.

Cayer ayaa ah sargaal boolis halkaasna ka furtay meel baaris gaar ah kadib markuu booliska ka tagay. Go’aanka uu kaga tagayo duqa magaalada ayaa la shaaciyay inay tahay kadib markii ay is casileen labo asxaabtiis ah, maamulaha magaalada Denis iyo maamule ku xigeenka Dale halkaasna laga dhigay maamulaha magaalada Heather Hunter oo ahaa agaasimaha dhaqaalaha mudo dheer.

Cayer ayaa ku dhiirigalinaya dad Lewiston halkaasna aan ka sooqaadan kartid warqadaha la buuxinaayo xarunta dawladda hoose gaar ahaan dabaqa labaad kadibna warqadaha la’iska rabo u gudanbayn sadexda bisha sagaalaad.

Back To Top