skip to Main Content

Isku day afgambi oo ka dhacay Sudan oo la fashiliyey

by abdinajib abdullahi
Mas’uuliyiinta dalka Sudan ayaa fashiliyey isku day afgambi, waxaa sidaas maanta sheegay ciidamada, oo ka hortagay loolan ka dhan ah golaha ka kooban militariga iyo rayidka ee Sudan xukumayey tan iyo 2019 markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.
Xubin rayid ah oo golaha ka tirsan ayaa Reuters u sheegay in xaaladda iminka gacanta lagu hayo kadib markii isku daygaas afgambi oo xalay dhacay la xakameeyey.

Su’aalo la weydiinayo dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu waday in la billaabo, sida uu sheegay xubinta oo ah afhayeen Mohamed Al Faki Suleiman.

Golaha xukunka haya oo lagu magacaabo Golaha Madax-banaanida ayaa dalka ku maamulayey heshiis awood qeybsi oo aan cago adag ku taagneyn, kaasi oo u dhaxeeya militariga iyo shacabka, kadib afgambintii Al-Bashiir.
Golaha ayaa lagu wadaa inuu doorasho xor ah qabto sanadkan 2024.
“Militariga waxay ka adkaadeen isku day afgambi, xaaladdana hadda si buuxda ayaa gacanta loogu hayaa,” waxaa sidaas yiri mas’uul la-taliye u ah madaxa golaha Abdelfattah al-Burhan, oo la hadlay wakaaladda wararka Sudan ee SUNA.

Waxaa sidoo kale la qaaday tallaabo lagu xakameynayo dadka ku lugta leh, sida uu sheegay il-wareedka, ayada oo la xiray dhammaan dadkii la tuhunsanaa.

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudless media

Back To Top