skip to Main Content

Itoobiya oo si adag uga hor timid Go’aan kasoo baxay Shirkii Jaamacadda Carabta

by abdinajib abdullahi

addisababa(Boundless media)_Dolwadda Itoobiya ayaa si adag uga hor-timid  go’aankii ka soo baxay shir madaxeedkii dalalka Jaamacadda Carabta ee lagu soo qabo gabeeyay Boqortooyada Sacuudiga , kaa arrimaha looga hadlay qeyb ka ahaa arrinta biyo xireenka wabiga Niil.

War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in qaraarka ka soo baxay dalalka Carabta uu muujinayo cadawtinimada Masar ee ku saabsan biyo-xreenka weyn ee korontada laga dhaliyo.

Madaxdii Carbeed ee ka qeyb gashay shirka Sacuudiga ka dhacay ayaa isku raacay in la taageero xuquuqda biyaha ee Masar iyo Sudan ee Wabigga Niin, waxa ayna Carabta garan istaag u muujiyeen dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa si weyn u diidan biyo xireenka dowladda Itoobiya ka sameesay dalkeeda, Masar ayaana aaminsan in saameyn ku yeelanayo biyo xireenkaasi uuna dhimayo biyaha wabiga Niil ay ku tiirsan yihiin dalalka Masar iyo Sudan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top