skip to Main Content

Jubbaland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay gobolka GEDO

by abdinajib abdullahi

Kismaayo (Boundless media) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa war la yaab leh kasoo saaray is hortaaggii shalay lagu sameeyay diyaaraddii sidday guddoomiyaha cusub ee  gobolka Gedo, kadib markii laga soo celiyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey.

Sayid Aadan ayaa sheegay in diyaaradda aan lasoo celin, balse uu damay gacankii laga hagayay, taas oo ay keentay inay weyso xiriirka garoonka, kadibna ay soo laabatay.

“Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta Gedo ku sugan oo uu ku eedeeyay inay isbaaro dhigteen gobolka, ayna kasoo horjeedaan horumarka bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay sugtaan doorashada, haddii ay rabaab isbeddal.

“Siyaasiyiinta roolkooda waa inoo ahaado isbeddalka Jubbaland oo ay raadinayaan, haddii uu xilliga dhammaado doorasho ayaan qabaneynaa waa inay tartamaan, laakiin isbaaro inay gobolkaas dhigtaan oo umadda gobolka lug gooyaan wax macno ah oo ay sameneyso ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha cusub ee Gedo, Cabdullaahi Cadbi Jaamacuu  tegi doono Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin bulshada deegaanka.

“Guddoomiyaha wa tegaa, bulshada dadka deegaanka, waxgaradka iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol diyaar ayay u ahaayeen” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda Gedo ayaa mar kale soo laba kacleysay, kadib markii uu dhowaan maamul cusub gobolkaasi u magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

xaquuqda weydhowrantahat:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top