skip to Main Content

Kalonzo Musyoka oo doonaya in dowladda ay ka hadasho weerar uu Raila sheegay in lagu qaaday

By abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in aynan marnaba ka daali doonin in ay dowladda dhexe ka dalbadaan faahfaahin ku saabsan weerar uu madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ku andacooday in lagu bartilmaameedsaday xilligii ay socdeen dibadbaxyadii bishii hore.
Kalonzo ayaa hoosta ka xarriiqay in si ulakac ah loo burburiyay daaqadda baabuur siday Raila xilli uu hor kacayay dibadbaxayaasha.
Madaxda mucaaradka ayaa sheegay in baabuurka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka la toogtay taasoo sida ay ku doodayaan looga gol-lahaa in naftiisa looga takhaluso.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu shalay Mr. Odinga sheegay inay dibadbaxyada dib u billaabi doonaan marka ay dhammaato bisha barakeysan ee Ramadaan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top