Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Kalonzo Musyoka oo si khaas Ah oola kulmay diblomasiyiinta shisheeye
By Ayanle Dhiire
Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ,Kalonzo Musyoka ayaa lagu soo warramayaa inuu kulan khaas ah la yeeshay dibloomaasiyiinta waddamada shisheeye ee matalaadda ku leh Kenya.
Waxaa uu kula kulmay hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Warbaahinta maxalliga ayaa ku warramaysa in safiirradan ay ka mid yihiin kuwa Maraykanka , Denmark, Midowga Yurub iyo wakiillada qaramada midoobay.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii ugu yaraan 13 safaaradood ay walaac ka muujiyeen xaaladda ka taagan Kenya iyagoo ku baaqay inay wada hadlaan garabyada mucaaradka iyo dowladda dhexe.
Dhanka kale in kastoo xaaladda guud ee wadanka ay maanta deggan tahay haddana waxaa maanta xaafadda Kibera ee ismaamulka Nairobi ka dhacay dibadbax .
Dibadbaxayaasha ayaa taayarro ku gubay waddooyinka balse waxaa kala eryay ciidamada booliiska .
Raila Odinga ayaa sheegay in dibadbaxyadii toddobaadkan ee ay ku dhawaaqeen ay maanta ku egyihiin ka hor inta aynan shaacin tallaabada xigta ee ay qaadayaan!
This Post Has 0 Comments