skip to Main Content

Sidee looga fal-celiyey raali-gelintii Khaatumo ay siisay DF kadib gefkii Garaad Jaamac?

Laascaanood (Boundless media) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay raali-gelintii uu golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo siiyay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib shir shalay ay ku yeesheen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Isimida dhaqanka SSC ayaa dowladda federaalka ka raali-galiyey hadalkii uu hoggaankooda dhawaan u jeediyay ee ahaa in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay raali-gelinta Khaatumo ka bixisay gefkii Garaadka Guud?

Maxamed Cabdillaahi Faarax: “Golaha dhaqan xumeeyayaasha weeye. Waxani siyaasiyiin xun weeyi isimo maaha.”

Cabdikhalaaq Khadar ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan meesha ku qoran iyo eedeyntii garaadku u jeediyey Xasan Sheekh aad bay u kala duwan yihin.”

“Xasan Sheekh haddii uusan raali ka ahyn duqaynta Somalilnd ka geysanyso Laascaanood muxuu ugu so diri wayey guddi soo baadha xaqiiqada mesha ka jirta ogaatana khasaaraha  weyn ee loo geystay Laascaanood. Fashil siyaasaded weeyi.”

“Gun baad tihiin, wax dhalinyarada ay u dhintaan madaxna ugu ahaataana ma tihidiin. Waa in la idin boor qaadaa,” ayuu yiri Sakariye Suldaan.

Saalax Faarax: “Isku xishooda oo Ilaahay ka baqa oo dhalinyarada dhiiggooda aad ka macaashaysan joojiya hadda waxgarad tihiin weeye. Lacag hada rabtaan na waydiiya annaga idin siinayna joojiya waxaan aad wadaan.”

Yaasiin Maxamed Faarax ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxay taasi la micno tahay in garaadka guud ee reerka aan hadalkiisa la qiimaynayn ama la citiraamayn waa in lakala dambeeyaa adeerayaal bahashu ayey saan idinka noqon.”

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top