skip to Main Content

Kenya Nin ku eedaysan dilka labo hablood oo uu dhalay oo maxkamad la soo taagaya

By Abdinajib Abdullahi

Nin horay loogu soo eedeeyay dilka labo carruur oo yar yar islamarkaana uu isaga dhalay oo dilkoodu ka dhacay dowlad deegaanka Kisii ayaa la shaaciyay inuu maskax ahaan u caafimaad qabo dhawaana maxkamad la soo taagayo si uu u wajaho dacwad dil ah.
Baaritaanka iyo qiimaynta dhanka maskaxda ah oo la sameeyay ayaa lagu shaaciyay inuu maskax ahaan awood u leeyahay in maxkamadda la soo taago.
Ninka oo lagu magacaabo Nelson Ontita ayaa lagu xiray deegaanka Kiobegi oo hoos taga degmada Nyamache ee dowlad deegaanka Kisii toddobaadkii hore ka dib markii xaaskiisa ay heshay meydadka labada hablood ee dhintay oo da’dooda lagu kala sheegay 2 sano iyo ilmo yar oo 10 bilood ah, kuwaasoo meydadkooda lagu tuuray beer galley oo ku dhaggan hoygooda.
Maalinka ay carruurta geeriyoonayeen ayaa waxaa lagu ogaa in aabahood uu xanaanaynayay taasi ayaan billowgiiba dhalisay tuhunka ah inuu isagu ka danbeeyay dilka ilmihiisa yar yar.
Qareenka waaxda dacwad oogidda , Ian Mukusi ayaa ka codsaday maxkamadda sharciga ee Ogembo inuu ninkan xabsiga ku sii jiro maadaama la codsaday 14 cisho oo dheeraad ah si baaritaano loogu sameeyo kiiska uu wajahayo ee dilka ah.

xaquuqda weydhowrantahay:BoundlessMEdia

Back To Top