skip to Main Content

Shacabka oo laga mamnuucay inay guriyaha ku sameeyaan baaritaannada DNA

By Abdinajib Abdullahi

Wasaaradda caafimaadka dalka oo kaashaneysa guddiga maareeya farmashiyeyaasha sidoo kalena ka hortago isticmaalka waxyaabaha sunta ah ee magaciisa loo soo gaabiyo PPB ayaa soo saartay go’aamo ku socda shacabka .
Wasaaradda ayaa Kenyaanka uga digtay inay wixii hadda ka dambeeya qalabka baarista ee hidda-sidaha DNA aan guriyaha lagu isticmaali karin arrintan oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay.
Dadweynaha ayaa wixii hadda ka dambeeya aan wax fasax ah u haysan inay agabkan guryahooda ku isticmaalaan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in hadda dadka Kenyaanka ah ay awoodaan inay qaataan agabka DNA si ay guriyahooda baaritaanadan ugu sameeyaan.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qalabkan laga heli karo farmashiyeyaasha kala duwan iyadoo qiimihiisa tafaariiqda uu yahay 800 oo shilin.
Bayaan uu soo saaray guddiga PPB ayuu ku sheegay in aan wixii hadda ka dambeeya la ogoleyn bixinta xirmooyinka tijaabada ah iyadoo sidoo kalena ay dadka Kenyaanka ah kula taliyeen inay arrimahaasi ka feejignaadaan.
Waxaa ay tilmaameen in dareenka bulshada ee arrintan ku saabsan la soo gaarsiiyay guddiga PPB ayna bulshada ku wargelinayaan in qalabka baaritaanka DNA ee guryaha aan la ogoleyn.
Waxaa sidan warbaahinta u sheegay madaxa guddiga PPB, Dr. Fred Siyoi oo intaasi ku daray in PPB aysan marnaba u ogoleyn in tafaariiqleyaasha ay qalabkan iibiyaan isagoo bulshada ugu baaqay inay aad uga digtoonaadaan.
Dr. Siyoi ayaa dadweynaha ku boorriyay inay iska ilaaliyaan badeecooyinka aan la ogoleyn, isagoo macaamiisha ku dhiiragaliyay inay guddiga PPB ku soo wargeliyaan haddii ay arrimahan la kulmaan.

xauqquda weydhowrantahay:BoundlessMEdia

Back To Top