skip to Main Content

Kenya oo laga xaqiijiyay xaaladihii ugu horreeyay ee Omicron

By abdinajib abdullahi

Waxaa lagu soo warramayaa in gudaha dalka laga xaqiijiyay kiisaskii ugu horreeyay ee faraca cusub ee cudurka COVID-19 ee loo yaqaano Omicron variant.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe oo maanta ku sugan ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo doonayay in dalka ka safraan laga helay faraca Omicron.
Mr. Kagwe ayaa sheegay dadka laga helay ay kala yihiin laba Kenyan iyo muwaadin u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Waxaa uu intaa ku daray in la karantiilay oo xaaladooda si dhow loola socdo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhanka kale meesha ka saaray in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo lagu xakameynaya faraca cusub ee Omicron.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay u hoggaansamaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka si looga hortaggo in faraca cusub oo Covid19 oo ku dhex faafa bulshada dhexdeeda.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay in faraca Omicron ee Covid19 ay halistiisa ka badan tahay noocyadii hore, islamarkaana uu si degdeg ah ku faafaaya.
Faraca Omicron ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalka Koonfur Afrika.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top