skip to Main Content

Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika oo xukuntay in markale xabsiga dib loogu celiyo madaxweynihii hore ee dalkaasi

By abdinajib abdullahi

Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa xukuntay in xabsiga dib loogu celiyo madaxweynihii hore ee wadankaasi Jacob Zuma, ayadoo sheegtay in siidayntiisa caafimaad ay tahay sharci darro.
Muddada uu xabsiga ka maqan yahay waa in aan lagu tirin 15-ka bilood ee lagu xukumay, ayay go’aamisay maxkamaddan oo ku taalla magaalada Pretoria.
Kooxda qareenada ee matalaya madaxweynihii hore ayaa racfaan ka qaadanaya go’aanka maxkamadda, sida ay Twitterka ku sheegtay hay’adda samafalka ee Zuma.
Mr. Zuma ayaa la siidaayey 5-dii bishii Sagaalad ee sanadkan xaalad caafimaad oo aan la shaacin awgeed.
Zuma ayaa xabsiga loogu xukumay sababo la xiriira in markii uu madaxweynaha ahaa uu ka jawaabi waayey baaritaan la xiriiray musuqmaasuq.
79-jirkan ayaa bishii July isu dhiibay booliiska ka dib markii ay dadweynuhu is-hortaageen, balse xarigiisa oo uusan jirin madaxweyne uga horreeyey ayaa dhaliyey rabshado bililiqo watay.
Amarka maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa yimid maalmo ka dib markii Zuma uu soo saaray buug uu ku sheegay inuu kaga warramayo waxyaabihii dhacay.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top