skip to Main Content

Kenya oo tallaalka COVID19 ka heshay Ingiriiska

by abdinajib abdullahi
Waxaa xalay wadanka kenya la soo gaarsiiyay 407,000 oo ah daawooyinka tallaalka ee cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano AstraZeneca-Oxford .

Daawooyinkan waxaa Kenya ugu deeqday boqortooyada Ingiriiska.
Tani ayaa tirada guud ee tallaalka ilaa iyo hadda Britan ay soo gaarsiisay gudaha wadanka kenya ka dhigaysa 817,000 .
Waxaa daawooyinka gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi kula wareegay mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo uu hor kacaya sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Patrick Amoth.
Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ku xigeenka safiirka Britain ee Kenya Julius Court, madaxa hay’adda UNICEF ee arrimaha caafimaadka Yaron Wolman iyo khabiir ka tirsan hay’adda WHO oo lagu magacaabo Sergon Kibet.
Dr. Amoth ayaa sheegay in taageeradan dheeraadka ee dhanka caafimaadka ayt horseedi doonto in caabuqa corona laga tallaalo ilaa 10 milyan oo ah dadka waawayn ugu dambeyn dhammaadka bisha 12-aad ee sanadkan.

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top