skip to Main Content

Kenya Shacabka ku nool 9 ismaamul oo si aad ah ugu baahan gargaar

By Abdinajib Abdullahi

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in dadweynaha ku nool sagaal ka mid ah 47-da ismaamul ee wadanka ay si aad ah ugu baahan yihiin in la gaarsiiyo gargaar cunno.
Ismaamulladan ayaa kala ah Kilifi, Mandera, Marsabit, Samburu, Turkana, Isiolo, Wajeer, Kitui iyo Kajiado.
Wasiiradda wasaaradda jaaliyadda bariga Afrika ee EAC, horumarinta gobollada iyo deegaannada oomanaha ,Rebecca Miano ayaa xaqiijisay in 9-ka dowlad deegaan ay ka jirto xaalad abaareed oo laga dayrinaya.
Tani ayay micnaheedu tahay in loo baahan yahay falcelin degdeg oo ka dhan ah saameynta abaarta.
Waxaa heerka soo raaca ee digniinta ku jiro 13 dowlad deegaan waxayna kala yihiin Garissa, Lamu, Narok, Tana River, Makueni, Tharaka Nithi, Baringo, Laikipia, Meru, Taita Taveta, West Pokot, Nyeri iyo Kwale.
Hasa ahaate Rebecca Miano ayaa sheegtay in xaaladda ismaamullada Taita Taveta, Kwale, Garissa iyo Tana River ay soo yar wanaagsanaatay ka dib roobabkii da’ay toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii hore.
Wasiirad Miano ayaa intaasi ku dartay inuu yaraaday daaqa ismaamullada Isiolo, Wajeer , Garissa,Kwale, Mandera iyo Samburu.
Tani ayaa sababtay inay kororto dhimashada xoolaha nool ee la dhaqdo.
Waxay sidoo kale sheegtay in ariga iyo lo’ada ay jir ahaan liitaan maadaama ay masaafo dheer u galaan inay biyo iyo daaq helaan.
Sidoo kale wasiiradda ayaa xustay in ismaamullada oomanaha lagu tilmaamo ee (ASALs) aynan howlahan ku bixin kheyraad ku filan sidaas awgeedna loo baahan yahay barnaamijyada dhanka biyaha sida dayactirka ceelasha.
Kiisaska ugu badan ee nafaqo darrada carruurta ayaa laga soo tabiyay dowlad deegaannada Mandera, Garissa, Baringo iyo Isiolo.
Rebecca Miano ayaa laga soo xigtay in xaaladda abaarta aynan saameyn keliya deegaannada xoolo dhaqatada balse sidoo kale Nakuru, Kirinyaga, Kiambu, Siaya, Homa Bay iyo Migori.
Waxay xaqiijisay in wasaaradda ay hoggaamiso ay ku dadaali doonto ka hor tagga in xaaladda hadda taagan ay ka sii darto.
Abaarta ayaa daba dheeraatay ka dib markii aan la helin ugu yaraan afar xilli roobaad oo la rajeynayay waxaana hadda gargaar u baahan 4.35 milyan oo qof oo kenyaan ah.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top