skip to Main Content

Dowladda Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka billowday kacdoon ka dhan Al-Shabaab

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa lagu wadaa in galabta Garoonka Kubadda Cagta Eng Yariisow Ex Koonis lagu qabto bannaabax ay dowladda Soomaaliya ugu magac dartay kacdoon Shacab.
Bannaanbaxa oo ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka qaybgalaya Shaqaalaha dowladda.
Waxaa uu yahay mid looga soo horjeedo ururka Al-Shabaab oo hadda dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qayb galaya bannaabaxa, iyaga oo halkaasi ka jeedin doono khudbado ay kaga hadlayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Inta badan waddooyinka gala Garoonka Kubadda Cagta Koonis ayaa xiran, waxaana loo diidayaa inay isticmaalaan Gaadiidka noocyadooda kala duwan, balse dadka ayaa lugaynaya.

 

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top