skip to Main Content

Khadar Faroole oo xog ka bixiyay arrintii lagu sameeyay

by abdinajib abdullahi

Garoowe (Boundless media) – Wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, sidoo kalena haatan ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dhaqaalaha ayaa faahfaahiyay is hortaag ay shalay Puntland ku sameysay xilli uu kasoo baxayay garoonka Garoowe, kuna soo socday dhanka Muqdisho.

Ergeyga ayaa marka hore sharraxaad ka bixiyay qaabka looga celiyay garoonka General Maxamed Abshir iyo sida ay ula dhaqmeyn saraakiisha loo soo diray.

“Markii ay diyaaraddu soo degtay oo ay rakaabku is diyaarinayeen ayaa waxaa ii yimid laba wiil oo dhalinyaro ah oo garoonka Garoowe ka shaqeeya oo aan si fiican u aqaano waxay igu yiraahdeen taliyaha Booliska na soo wacay, wuxuuna yiri Khadar ma bixi karo”ayuu yiri.

Khadar ayaa shaaca ka qaaday in amarka lagu celiyay uu bixiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), balse aan loo soo marin hannaan sharci ah.

“Wax sabab ah oo ay sheegeen iyo wax qoraal ah oo ay hayeen malaha” ayuu mar kale yiri Khadar Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Aniga hadda waan safri karaa Boosaaso garoonkeeda maantadan aan kula hadlaayo, laakin waxaa sharaf ii ah inaan sharciga ilaaliyo”.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday eedeynta horay loogu jeediyay ee la xiriirta dagaalkii ka dhacay Garoowe, maadaama xeer ilaalinta ay u jartay waaran soo qabasho ah, isaga iyo saddex siyaasi oo kale oo kamid ah mucaaradka sida weyn ugu kacsan madaxweyne Deni.

“Eedeynta way jirtaa, laakin ma’ahan mid sharci ah anigu waxaan ahay shaqaale dowladda federaalka ah waaran ima jari karo state-ka Puntland marka hore xasaanadda qofka waa in dowladda dhexe ay kasoo qaado” ayuu yiri ergeyga madaxweyne Xasan ee dhaqaalaha.

Arrimahan ayaa uga sii dari kara xiisadda haatan ka taagan magaalada Garoowe oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo ay heystaan mucaaradka maamul goboleedka Puntland.

Si kastaba, doorashada golaha deegaanka Garoowe iyo laba degmo oo kale ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top