skip to Main Content

Labo wariyaal ah oo laga eryay Burkina Faso

By Abdinajib Abdullahi 

Dowladda Burkina Faso ayaa dalkaasi ka ceyrisay labo wariyaal oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Faransiiska oo u shaqeeya wargeysyada Le Monde iyo Liberation.
Tani ayaa timid ka dib markii wargeysyadan ay maamullada Burkina Faso ku eedeyeen inay caburinayaan xuriyatul qowlka oo ay howlgal ku bartilmaameedsanayaan warbaahinta shisheeye.
Agnès Faivre iyo Sophie Douce ayaa maanta gaaray caasimadda Faransiiska ee Paris ka dib markii Jimcihii ay u yeereen militariga si su’aallo loo waydiiyo iyagoo ugu dambeyntina lagu wargeliyay in dalkaasi laga musaafurinaya.
Hasa ahaate dowladda Burkina Faso ayaan weli arrintan faahfaahin ka bixin.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii dowladda militariga ee Burkina Faso ay meesha ka saartay heshiis ku saabsanaa taageerada militari oo ay sanadkii 1961-kii la gaartay Faransiiska.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top