skip to Main Content

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) oo lasoo saaray

by abdinajib abdullahi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland), sida uu sheegay xafiiska Rooble.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.”
Liiska ayaa ka kooban 24 musharax, waxayna ku tartami doonaan 11 kursi. Kursiga 1-aad ayaa waxaa musharax u ah kaliya guddoomiye Cabdi Xaashi, kumana qorna musharax kale.
Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa ah tan ugu dambeysa, ayada oo inta badan xubnaha kale ee Aqalka Sare ee maamul goboleedyada kale lasoo doortay.
Doorashadan ayaa waxaa muddo hareeyey khilaaf u dhaxeeya Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshee ugu dambey xal laga gaaray. Weli lama shaacin waqtiga ay dhici doonto doorashada xubnahan, waxaana laga sugayaa guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi inay soo saaraan.

Liiska Murashixiinta
Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil
Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi
Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan
Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali
Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore

Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan
Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed
Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid
Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan
Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudlesa media

Back To Top