skip to Main Content

Saraakiil boolis hore oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka qareen Willy Kimani

by Abdinajib abdullahi

5 eedeysane oo loo haysto dilka qareen Willy Kimani, macmiilkiisa iyo darawalkii baabuurka u waday ayaa maxkamada ku amartay inay ka jawaabaan dacwadda lagu soo oogay oo dilka ah.

Garsoore Jessie Lesiit ayaa maanta sheegtay in xeer ilaalintu ay dejisay dacwad ka dhan ah shanta eedeysane.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa ka mid ah saraakiil hore oo booliska ka tirsanaa iyo qof rayid ah.

Waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Fredrick Leliman, Leonard Mwangi, Silvia Wanjiku, iyo Stephen Chebulet
46 markhaatiyaal ayaa maxkamadda looga yeeray si ay ugu marag furaan shanta qof ee lagu soo oogay dacwadda dilka loo gaystay qareen Willy Kimani.

Waxaa markale dacwaddan la dhageysan doona maalinka isniinta ee toddobaadka dambe.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top