By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Madaxweye Ruto oo shegay in uusan Amah shisheye donaneynin!
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ismaamulka Kakamega ee Galbeedka dalka ka sheegay in dowladda dhexe ay qalab ay ku shaqeeyaan siin doonto shakhsiyaadka si iskood ah uga qayb qaato horumarinta daryeelka caafimaad ee loo yaqaano CHVs.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay lacag dhan 3.5 bilyan oo shilin ku bixin doonto in dadkan ay helaan qalab ay u adeegsan karaan arrimaha daryeelka ee shacabka ku nool deegaannada hoose.
Ruto ayaa sheegay in xaalado badan oo loo gudbiyo isbitaallada dalka ay yihiin kuwo fudud oo haddii xilli hore wax laga qabto lagu yareyn karo ciriiriga ka jiro xarumaha caafimaadka.Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay bixiso lacagaha weli ka maqan ismaamullada si loogu guulaysto nidaamka dowlad wadaajinta.
Hasa ahaate waxaa uu si cad u sheegay inuunan codsan doonin amaah shisheeye si dhaqaale loo siiyo ismaamullada
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale kenyaanka ka codsaday inay taageeraan qorshaha guriyeynta ee dowladda dhexe isagoo tilmaamay in muhiimadda ugu wayn ee barnaamijkan ay tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada.
This Post Has 0 Comments