skip to Main Content

Madaxweyne kuxigenka kenya oo Difaacay kharashaadka kubaxa safarada Dibada ee madaxweynaha!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka William Ruto uu safarrada dibadda ku bixiyo qarashaad saddex jibaar ka badan intii uu adeegsaday madaxweynihii ka horreeyay Uhuru Kenyatta.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xafiiska madaxweynaha uu safarrada dibadda u adeegsaday lacag dhan 2.369 bilyan oo shilin, intii u dhexeysay bishii Tobnaad ee sanadkii hore ilaa bishii Saddexaad ee sanadkan, iyadoo marka la barbar dhigo qarashka ku baxay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta isla muddadaasi lagu sheegay 852 milyan oo shilin.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa warbaahinta ku eedeyay inay baahiyeen warbixin aan waxbo ka jirin.
Waxaa uu ku dooday in warbaahinta sidoo kale laga doonaya inay baahiyaan guulaha ay dowladda gaartay.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa hadalkan maanta ka sheegay aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo State House ee magaalada Nairobi oo u ka dhacay heshiiska iskaashiga dhaqaalaha ee Midowga Yurub iyo Kenya.
Rigtahi Gachaua ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ku dhiirigeliyay inuu sii wado safarradiisa dibadda oo uu wadanka dhaqaalo ugu soo xareynayo.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top