By Abdinajib Abdullahi Lamu(Boundless media)Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof uu ku dhintay halka…

Madaxweynaha Dalka Kenya oo baaq u diray wadamada ku middeysan Comesa!
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha waddamada ku mideysan suuqa bariga iyo koonfurta Afrika ee (COMESA) kula taliyay inay wax ka beddelaan qaabka ay u wajahaan arrimaha ganacsiga.
Waxaa uu Ruto hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in dowladahan ay adeegsadaan isbeddel horseedi karo in laga faa’iidaysto fursadaha jira iyo kartida shacabkooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la joogo xilligii ay dalladda COMESA mudnaan gaar ah siin lahayd sare u qaadidda macaashka dhanka beeraha si loo xoojiyo wax soo saarka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tani ay kobcin doonto dakhliga warshadaha sidoo kalena ay shaqooyin u abuuri doonto muwaadiniin badan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrintan ka sheegay kulanka 22-aad ee madaxda waddamada ka tirsan COMESA ay ku yeelanayaan caasimadda dalka Zambia ee Lusaka!
This Post Has 0 Comments