skip to Main Content

Madaxweynaha dalka oo ku baaqay la tacaalidda isbeddelka cimillada

By Abdinajib Abdullahi 

Nairobi(Boundless media)Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waddamada reer galbeedka ku boorriyey inay joojiyaan eedeynta ay isku jeedinayaan oo ay ka wada shaqeeyaan sidii loola tacaali lahaa saameynta ka dhalata isbeddelka cimillada.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in isbeddelka ku yimaada cimillada inuu khatar ku yahay dhammaan dalalka sidaasi awgeedna la doonayo in dowladaha dunida ay iska kaashadaan cirib tirka caqabaddan.
Madaxweynaha ayaa xilli uu shalay ka hadlayay kulan ka qabsoomay magaala xeebeedda Rotterdam ee dalka Netherlands sheegay in aan loo baahnayn isweydiinta yaa sababay isbeddelka cimillada iyo yaanan sababin balse maadaama tani ay tahay halis caalami ah in wax laga wada qabto.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qayb galay ra’iisul wasaaraha Netherlands Jan Peter Balkenende, duqa magaalada Rotterdam Axmed Aboutaleb, sarkaalka sare ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha beeraha , horumarinta magaalooyinka , kheyraadka badaha iyo deegaanka Josefa Leonel Sacko, madaxa fulinta ee xarunta caalamiga ee la qabsashada isbeddellada (GCA) Prof. Patrick Verkooijen, xoghayihii guud ee hore ee qaramada midoobay Ban Ki-moon oo qaab fogaan arag ah uga qayb galay iyo wasiiradda arrimaha deegaanka ee dalka Soipan Tuya.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa dowladaha dalalka horumaray ka codsaday inay khibradooda ku biiriyaan Afrika si looga faa’iidaysto tamarta la cusbooneysiin karo.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha soo jeediyay in la ballaariyo qorshayaasha lagula tacaalaya arrimaha cimillada gaar ahaan maaliyadda iyo maalgelinta.
Mr. Moon ayaa dhankiisa hoggaamiyaha dalka ku ammaanay ololaha uu wado ee ku aaddan xal u helidda saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa uu hay’adaha caalamiga ah ka codsaday inay taageeraan shirweynaha wax ka qabashada isbeddelka cimillada ee Afrika oo uu qorshuhu yahay in bisha Sagaalaad ee sanadkan lagu qabto magaalada Nairobi.
Ban Ki-moon ayaa sheegay in sanadkan uu yahay mid muhiim ah marka la eego falcelinta dunida ee isbeddelka cimillada.
Madaxa fulinta ee xarunta caalamiga ee la qabsashada isbeddellada (GCA) Prof. Patrick Verkooijen ayaa dhankiisa dalalka horumaray kula taliyey inay ka dhabeyaan ballanqaadyadii dhanka maaliyadda ee arrimaha cimillada.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top