skip to Main Content

Madaxweynaha dalka oo saxiixay hindise sharciyeedka IEBC

By Abdinajib Abdullahi

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeedka guddiga doorashooyinka ee 2022-ka oo uu uga soo gudbay baarlamaanka iyo aqalka sare.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa lagu wadaa in uu soo dhiso guddi ka kooban 7 xubnood oo soo xulaya guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo lix xubnood oo guddigan ka mid noqonaya.
Dhawaan ayay ahayd markii xubnaha aqalka sare ee dalka ay iyagoo aan wax isbeddel ah ku sameyn ansixiyay hindise sharciyeedka guddiga doorashooyinka oo uga soo gudbay baarlamaanka.
Isbeddellada ay ansaxiyeen golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ayaa ku xusan in la yareeyo tirada guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uu u soo xusho inay ka mid noqdaan toddobada qof ee qaabilsan in la buuxiyo jagooyinka IEBC.
Xubnaha guddigaasi ku matalaya PSC ayaa hadda ah afar oo laga soo kala xushay xisbiyada siyaasadeed ee matalaadda ku leh baarlamaanka.
17-kii bishan ayay ahayd markii uu dhammaaday muddo xileedka saraakiisha sar sare ee IEBC iyo guddoomiyahooda halka Saddex kale ay horay isku casileen ka dib markii uu madaxweynaha dalka William Ruto si ku meel gaar ah shaqada uga istaajiyay.
Mas’uuliyiinta IEBC ee xafiisyada baneeyay ayaa kala ah Wafula Chebukati, Prof.Cabdi Yaaquub Guuliye iyo Boya Molu oo 6 sano shaqeynayay.
Saddexda is casishay ayaa kala ah Juliana Cherera ,Francis Wanderi iyo Justus Abonyo oo lagu eedeyay inay bishii Sideedaad ee sanadkii hore khalkhal geliyeen ku dhawaaqiddda natiijadii doorashada.
Irene Masit oo iyadana shaqada laga istaajiyay ayaa weli sugeysa go’aanka guddi baaritaano ku sameeyay oo uu magacaabay hoggaamiyaha wadanka.

 

xaquuqda weydhowrantahay:BoundlessMEdia

Back To Top