skip to Main Content

Madaxweynaha Maraykanka oo ergay gaar ah u magacaabay Kuuriyada Waqooyi

By Abdinajib Abdullahi

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ergay gaar ah u magacaabay arrimaha xuquuqul insaanka ee Kuuriyada Waqooyi.
Xilkan ayaa bannaanaa intii uu wadankaasi hoggaaminayay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump.
Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu u magacaabay Julie Turner xilkan.
Waxaa ay sidoo kale hadda madax ka tahay qaybta qaaradda Asia ee arrimaha xafiiska xuquuqul aadnaha oo ay dowladda Maraykanka ku matasho halkaasi.
Haweeneydan ayaa dhanka kale taqaana luuqaadda looga hadlo Kuuriyada Waqooyi.
Mrs.Turner ayaa horay uga soo shaqeysay xuquuqda aadanaha ee Kuuriyada Waqooyi, iyadoo soo noqotay kaaliye gaar ah oo ka tirsan xafiiska ergeyga xuquuqda aadanaha.
Waxaa ay xilkan toos ula wareegi doonta marka uu aqalka sare ee Maraykanka uu ansixyo magacaabisteeda.
Jagadan ayaa bannaaneyd tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, markaas oo wadanka Maraykanka uu xafiiska banneeyay Barack Obama, islamarkaana uu Robert King uu xilkan ka degay, taasoo qayb ka ahayd xilligii kala guurka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top