Skip to content

Madaxweynaha Falastiin oo gaaray Beijing

by abdinajib abdullahi

Beijing(Boundless media)_Madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa safar ku tagay caasimadda wadanka Shiinaha ee Beijing.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Shiinaha ay sheegtay inay diyaar u tahay inay dardargeliso wada hadallada nabadeed ee u dhexeya Israa’iil iyo Falastiin.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ee CGTN ayaa ku warramaysa in Maxamuud Cabbaas uu saaka gaaray magaalada Beijing isagoo wadankaasi ku sugnaan doono afar cishe.
Socdaalkan ayaa ah midkii Shanaad ee uu hoggaamiyaha Falastiin ku tago Shiinaha.
Wakaaladda wararka ee WAFA ayaa laga soo xigtay in madaxweynaha Falastiin uu kulan la qaadan doono dhigiisa wadankaasi Xi Jinping.
Sidoo kale waxay wada hadli doonaan Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Li Qiang.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Wenbin ayaa toddobaadkii hore sheegay in Maxamuud Cabbaas uu muddo dheer saaxiib wanaagsan la ahaa shacabka Shiinaha.
Wada hadalladii nabadeed ee u dhexeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa hakad galay sanadkii 2014.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top