skip to Main Content

Soomaaliya iyo Shiinaha ‘oo kor u qaadaya’ iskaashiga laba dhinac oo muhiim ah

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirka wadanka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mr. Fei Shengchao.

Labada masuul ayaa waxay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay la iskaga kaashan, oo kor loogu qaadi lahaa dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa ay si wada-jir ah u soo dhaweeyeen muhiimadda iskaashi ganacsi oo dhexmara labada dal, dhiiri-gelinta maalgashiga gaar ahaan isku xirka ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Shiinaha.

Iskaashigan ayaa dhabaha u jeexaya abuurista fursado ganacsi oo labada dhinac ah iyo weliba sidii looga wada-shaqeyn lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa waxa uu safiirka la wadaagay dadaalada ay ka dowlad ahaan sameeyeen ee khuseeya horumarinta iyo fududeynta ganacsiga wadanka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in maanta Soomaaliya u diyaarsan tahay inay wadanka ku soo dhaweeyaan maalgashadayaal caalami ah, si kor looggu qaado wax soo saarka waddanka, si ay Soomaaliya dheelitir ganacsi u la yeelato waddamada caalamka.
Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top