skip to Main Content

Madaxweynaha Rutu oo ballan qaaday in la wanaajinaya jawiga ganacsi ee wadanka

By abdinajib abdullahi

Nairobo(Boundless media)

Madaxweynaha dalka kenya William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la wanaajiyo jawiga maalgashi ee gudaha Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro qorsho lagu dhaqangelinaya xeerar maalgashi oo daah furan.
William Ruto ayaa ballan qaaday xaqiijinta jawi ganacsi oo nabad ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu ay tixgelinaysa xuquuqda aasaasiga ee muwaadin kasta balse aanan marnaba loo dul qaadan doonin falalka liddiga ku ah nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.
Sidoo kale waxaa uu xusay inay lagama maarmaan tahay wax ka qabashada saameynta ganacsi ee ka dhalatay cudurka COVID-19 isagoo carrabka ku adkeeyay inuu hakad ku yimid maalgashiga shisheeye ee si toos ah looga sameynayay gudaha dalka.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inay diiradda saarayaan sidii isbeddel loogu sameyn lahaa xaaladda dhaqaale ee uu hadda wadanka wajahaya.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu daah furay shirkad cusub oo ku soo biirtay suuqa saamiga dalka ee NSE.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top