Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay sharci Muhiim ah

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  saxiixay sharciga illaalinta iyo maareynta deegaanka oo ay horray u ansixiyeen labada aqalka ee Baarlamaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadcelisay inuu saxiixay sharcigaan oo muhiim ah ilaalinta deegaanka.

“Waxaan u mahad celinaayaa madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo  saxiixay sharciga ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka ee ay horrey u ansixiyeen Labada aqal ee baarlamaanka ” ayey tiri wasiir Khadiijo Maxamed Almakhsuumi.

Wasaaraddda deegaanka iyo isbaddelka cimilada ee Soomaaliya  ayaa in muddo ah ku howlaneed soo saaridda sharci lagu badbaadin karo, laguna maareeyn karo deegaanka.

Sharcigan ayaa muhiim u ah illaalinta iyo maareeynta deegaanka si looga hortago, loona yareeyo saameeynta dalkeenu ku yeelan karto isbeddelka cimiladda.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top