skip to Main Content

Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo cafis loo fidiyay

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa maanta cafis madaxweyne loo fidiyay hoggaamiyihii hore ee dalka Kuuriyada Koonfureed Lee Myung-bak oo xabsi ku jiray.
Tani ayaa soo afjaraysa xukun 17 sano ah oo la saaray ka dib markii lagu helay musuqmaasuq.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka cadaallada ee dalkaasi Han Dong-hoon oo warfidiyeenka u warramay ka dib markii uu kulan la yeeshay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol.
Lee ayaa ka mid noqday in ka badan 1,300 oo qof oo loo fidiyay xafis madaxweyne oo gaar ah.
Tani ayaa lagu saleeyay aragtida guud ee ku aaddan midnimo qaran iyadoo loo maraya isku dulqaadasho, tixgelin iyo dib u heshiisiin.
Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo 81 jir ah ayaa la xiray ka dib markii lagu soo oogay dacwado ah laaluush qaadasho iyo lunsashada kheyraadka dadweynaha.
2018-kii ayaa lagu soo oogay 16 dacwadood waxaana xarig 17 sano ah la saaray sanadkii 2020-kii.
Haddii aan cafis madaxweyne loo fidin oo uu intaasi sii noolaado waxaa uu soo bixi lahaa 2036-ka .

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top