By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Madaxweynihii hore ee Somaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in la baaro weerarkii Cows weyne
By isxaaq Rashiid Madaxweynihii hore Dawladii kmg ahayd ee Soomaaliya shariif sheikh ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay AS ay ka geysteen Saldhig ay ciidanka Dawlada Federaalka ku leeyihiin degaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud.
Mudane sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa ku baaqay un baaritaan madaxa banaan lagu sameeyo weerar kii AS ay ku qaaday degaanka Coosweyne
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Face book ayaa Madaxweyne hore sheekh shariif ayaa u qorsnaa sidaan:
Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada AS ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.
Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas.
Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud.
This Post Has 0 Comments