skip to Main Content

Hoggaamiyaha SSC oo war cusub soo saaray, una digay Muuse Biixi

Laascaanood (Boundless media) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatuma Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo khudbad dheer jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood iyo guulaha ay ka gareen ciidanka deegaanka.

Cabduqaadir Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii ugu dambeeyay ay jab xoogan ku gaarsiiyeen Somaliland, isla-markaana ay nolosha ku qabteen illaa 280 maxaabiis ah, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ku eedeysan dambiyo dagaal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la haayo 42 dhaawac ah oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada deegaanka.

Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale u jawaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wuxuuna uga digay isku dayga uu mar kale kusoo weerarayo magaalada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka jawaabi doonaan duullaan kasta oo kaga yimaada dhanka Somaliland, balse inta ka horreysa ay is xakameyn doonaan.

“Muuse Biixi, weli waxaa muuqata in uu colaad u ooman yahay, laakiin waxaan leenahay ciidankii iyo dadkii casharka ku dhigay waa diyaar, laakiin marnaba anaga shacab duulaan kuma nihin” ayuu khudbaadiisa yiri hoggaamiye Cabduqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye).

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top