Skip to content

Magaalada Lewiston ayaa tartankii duqa magaalada ee 2021 ka ayaa wali ka socda in laqabto.

Ron potvin , oo ka tirsan gudiga dugsiga Lewiston,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay
todobaadkan horaantiisii, isagoo noqday musharixii ugu horeeyay ee sidaas sameeya kadib
markii duqa magaalada Mark cayer uu sheegay inuusan raadin doonin dib u doorashada.

Sikastaba ha ahaatee sadex qof oo kale ayaa waraaqa u qaatay kursiga duqa magaalada,
waxayna ugu yaraan sahaminayaan ololeyaal. Luke Jensen oo ka tirsan golaha deegaanka ee qaybta 5aad , ayaa sheegay in uu soo qaatay waraaqo si uu usahamiyo orod, laakiin wali go’aan kama gaadhin.

Jensun oo loo doortay golaha magaalada ee 2019 , wuxuu sheegay inuusan u tartamayn dib u
doorashada mar hadii uu rumaysan yahay inuu ka guuri doono qaybta 5 aad sanadka
dhexdiisa, oo uusan doonayn inuu kursiga baneeyo mudada dhexe, “Wali waa sahamin” ayuu
khamiistii ka yiri orodka duqa magaalada.

Jensen oo 29 jir ah, wuxuu kamid ahaa dalagii sadex xubnood ee golaha deegaanka ee
ladoortay 2019,ilaa hada midkoodna ma qaadan waraaqo si uu ugu tartamo doorashada golaha
deegaanka.
Xildhibaanka magaalada Lee Clement ayaa sidoo kale qaatay waraaqaha kursiga
badhasaabyada, laakiin Clement ayaa sidoo kale usoo jiiday waraaqaha waaxdiisa hada ah ee
6 boos.

Clement ayaa sheegay khamiista “ inuu la tashanayo xubnaha iyo cod bixiyayaasha isagoo
qiimaynaya xulashooyinka” waxayna ubadan tahay inuu doorto oo fayl gareeyo mararka
qaarkood bisha ogosto.

Waxaa kale oo waraaqaha jiidayay Carl sheline, oo iska leh mulkiilaha Munka coworking ee
Lisbon street, sheline lana heli karin si aan uga faaloodo khamiista.

Markii lawaydiiyay, Jensen wuxuu khamiistii sheegay in go’aanka Cayer ee ah in aan latartamin
oo uu calaamad su’aal dul dhigay tartanka duqa magaalada, wuxuu sheegay in uusan
xasuusan wakhti dhaw markii dad badan ay waraaqo ka qaateen kuraas badan.

Potvin ayaa sido kale waraaqo kala baxay kursiga gudiga dugsiga ee hada.
Markii uuku dhawaaqay go’aankiisa ah inuusan is sharixi doonin bisha juun, Cayer wuxuu
sheegay inuu ku faanay shaqadiisa ku aadan sidii loo heli lahaa dhexda masuuliyiinta, laakiin
wuxuu sheegay inuu rumaysan yahay inay sii socon doonto xitaa la’aantiis.

“Runtii aad ayan iskugu dayay inaan taas sameeyo mudadayda waxanan sii wadi doonaa inaan
sameeyo lixda bilood ee soo socota, anigoo la shaqaynaya labada dhinac, waxaan isku
dayayaa inan dadka ukeeno meel dhexe” ayuu yiri.
Beesheena oo ay ku arkaan qiimahaas waxayna qaadan doonaan go’aamada ku haboon marka
ay timaado doorashadu.

Galabnimadii khamiista, 23 qof ayaa lasoo baxay waraaqaha 15 ka kursi ee loo tartamayo, in
kastoo qaarkood ay waraaqihii u jiideen laba kursi.
Magacyada cusub ee kuraasta golaha waxaa kamid ah Linda scott iyo Dane morgan.
Hawkins waxay kaloy haysataa waraaqo loogu tala galay kursiga gudiga Dugsiga ee qaybta
5naad.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top