skip to Main Content

Gudoomiye Janet Mills ayda sheegtay İnay gacmo furan ku son dhaweeynayso dadka reel Afganistan

Gov. Mills oo ay weheliyaan gudoomiyayaal jamhuuri ah iyo. dimuqraadiga aya Biden usheegay in
Maine ay diyaar ula tahay inay siiso nabadgalyo iyo hoy dadka Afgaanistaan.

Iyagoo ku tilmaamay in arintan layeelo inay sharaf utahay dalkeena inuu garab istaago. Dhanka kale waxay sheegen inay soo dhawaynayaan cid ala cidii ubaahan inay qoysaska kor uqaado, sidokale meherado ka bilaaban halkan.

Ciidamada Maraykanka oo ka saaraya kumanaan muwaadin oo reer Afganistaan ah kuwaasoo
caawiyay Maraykanka iyo xulafadiisa labatankii sano eelasoo dhaafay dagaalkii ayku
jireenTalibaan. Sida kuwii weeraray Maraykanka bishii Sebtember 11 2001.

Dadka la soo qaadayo ayaa si dagdag ah usocota, Taaliban waxay sheegtay inay dhaqan galin
doonto 30 ka bisha ogoosto ee loogu talagalay dadka Maraykanka iyo xulafada Maraykanku
inay si amaan ah uga baxaaan dalka.

Laga bilaabo malinta isniinta, Maraykanka ayaa fududeeyay qaadista ilaa 48,000 oo qof halka
boqolaal kalena isku dayayaan inay baxsadaan.

Waaxda arimaha dibada ayaa ogolaansho siiyay 345,000 oo sifooyinka muhaajiriinta amaba
SIVs Afgaanistaan kuwaasoo caawiyay milatariga Maraykanka inka badan 20,000 ayaa wali ku
jira dhuumaha sugitaanka ogolaanshaha iyadoy Talibaan kudhawdahay Kabul.

Halkaas oy badhasaabyo badan oo ka tirsan jamhuuriga iyo dimuqraadiga aya waxa ay
sheegeen in gobaladu diyaar uyihiin dib udajinta qoxootiga Afgaanistan oo naftooda halis u
galiyay si ay ucaawiyaan Ciidamada Maraykanka.

Gudoomiyaha gobalka Vermont Phil scott aya shaaciyay in gobalkiisu diyaar uyahay inuu
caawimaad siiyo dadka kaimanaya dalalka ay dagaaladu saameeyeen.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top