By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…
Magalada Hargele waxa ka qabsomay shirka qiimeynta heer dabolka talalka jogtada ah ee mashruca PIRI
By Ayanle Dhiire
Xarunta gobolka Afdheer ee magaalada Hargeelle waxaa ka qabsoomay shirka qiimeynta heer-daboolka tallaalka joogtada ah ee mashruuca PIRI.
Qiimayntan mashruuca PIRI ayaa lagu eegayaa geeddi-socodka tallaalka la siiyo caruurta da’doodu ka yar tahay 2-da sano, si loo xoojiyo kahortagga xanuunnada halista ah ee carruurta ku dhaca. Qimayntan oo uu furay guddoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre kuna waheliyay iskuduwaha xafiiska caafimaadka gobolka Afdheer Mudane Khadar Muuse iyo khabiirro ka socday Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa loo qabtay madax-xafiiseedyada xafiiska caafimaadka 9-ka degmo ee gobolka Afdheer iyo khabiirrada qaybta tallaalka ee degmooyinka gobolkaasi Afdheer.
Ugu dambayna qiimeyntan oo socon doonta muddo laba cisho ah ayaa lagu eegi doonaa mashruuca PIRI adeegyada joogtada ah ee tallaalka laga fuliyay gobolka Afdheer iyo heer-daboolka caruurta ka faa’iidaysatay, iyada oo laga soo saari doono qiimayntan qorshayaal xoojinaya dardargalinta adeegan oo laga duulayo jihooyinka Xafiiska Caafimaadka DDS.
This Post Has 0 Comments