Skip to content

Magalada Nairobi dad degan Dhulka maal qaben geriyoday oo ay maxkamad 70 cisho u qabatay

By Ayanle Dhiire 

Maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee dalka ayaa dad aan diiwaangashanayn oo deggan dhul uu leeyahay qoyska maalqabeenkii geeriyooday ee Gerishon Kamau Kirima u qabatay muddo 70 maalmood ah oo ay halkaasi uga guurayaan.
Dadkan ayaa haysta ilaa 31-da bisha 12-aad ee sanadkan si ay dhulkaasi oo ah 1,000 eekar ay uga guuraan ka hor inta aan laga rarin 1-da jannaayo ee sanadka dambe .
Go’aankan ayay maanta maxkamadda soo saartay ka dib dacwado loo gudbiyay.
Waxaa halkaasi ku nool ugu yaraan 300 oo qoysas ah iyadoo kiiskii ugu horreeyay maxkamadda la geeyay sanadkii 2011-kii.
Garsoore Samson Okong’o oo ka howlgalo maxkamadda ismaamulka Kisumu ayaa go’aamiyay in qoysaskan aynan haysan caddeyn sax ah oo ay ku sheegan karaan lahaanshaha dhulkan oo ku yaalla xaafadda Njiru ee Utawala oo ka tirsan deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu garsooraha sheegay in cid kasta oo deggan dhulka uu nambarka diiwaanka yahay L.R No. 6825/2 ay haysato ilaa 31-da bisha Diseembar ee sanadkan ka hor inta aan halkaasi laga saarin oo aan dib loogu wareejin qoyska Kirima.
Maxkamadda ayaa dhanka kale laashay dacwado ay gudbiyeen kooxaha Kamatuto iyo Naridai Muoroto .
Hasa ahaate xaakinka ayaa tixgeliyay codsiga 10 qof oo dacwadda iska difaacayay waxaana maamulayaasha hantida Kirima lagu amray inay qorshaha dadkan dhulka looga iibinaya ku soo gabagabeeyaan 90 cishe gudaheeda.
Gerishon Kamau Kirima oo ahaa ganacsade ayaa soo noqday duqii ama Maayarkii magaalada Nairobi iyo xildhibaankii deegaanka Starehe ee caasimadda dalka ka hor inta uunan sanadkii 2010-kii geeriyoon isagoo 88 sano jir ah.

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top